Home Warar Faah-faahin:-Gudoomiye La Dilay iyo Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Gudoomiye La Dilay iyo Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Wadada isku xirta magaalada muqdisho iyo afgooye gaar ahaan agagaarka Siinka dheer.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaari lagu xirey,islamarkaana uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Mas’uul ka Tirsan Maamulka Degmadda Kaxda ayaa sheegay in gaariga qarxay uu lahaa Mas’uul ka Tirsan maamulka Degmadda kaxda oo ragg hubeysnaa ay dileen,kadibna ay doonayeen in ay ku baxsadaan,balse uu bacaad ka galay,ayna qarax ku xireen.

Gudoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ibraahim Colow Cali wuxuuna ahaa gudoomiyihii Waaxda Shanaad ee Degmada Kaxda.