Home Warar Faah-faahin;-Gaari Xamuul ah oo Shacab Ku Laayay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin;-Gaari Xamuul ah oo Shacab Ku Laayay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Shilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Degmada Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Gaari nooca xamuulka ah oo fariinka goostay ayaa la sheegay in dad badan ku laayey nawaaxiga isgoyska Holwadaag.

Dad joogayaal ah ayaa inoo sheegay in Gaariga xamuulka ah uu ku socday xawaare sare, taasoo keentay inuu darawalkii waday uu xakameyn waayo markii uu fariinka goostay.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay 10-ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo u badnaa Mooto Bajaajley goobta ku sugneyd.

Goobta uu falkaan ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka Gurmadka deg deg ah iyo ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in xaalad argagax leh ay ka jirto halkaas, iyadoo dadka qaar ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay  uu si fool xun shilkaas u saameeyey