Home Warar AMISOM oo Madaafiic Ku Garaacday Degmadda Qoryooley

AMISOM oo Madaafiic Ku Garaacday Degmadda Qoryooley

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaafiic culus ayey saaka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku garaaceen tuulooyin hoos taga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaas ay timid ka dib markii dagaalyahano taabacsan Al-shabaab ayaa xalay iyo saaka waaberigii weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku soo qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM ku leeyihiin agagaarka degmada Qoryooley.

Ciidamada AMISOM ayaa weeraradaas ka dib madaafiic la beegsaday tuulooyinkan oo ay ku tuhunsan yihiin iney gabaad ka dhiganayaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Shacabka degmada Qoryooley ayaa sheegay iney maqlayeen daryanka madaafiicda lagu garaacay tuulooyinkan oo ay sheegeen iney shacabkii ku noolaa ay horey uga barakaceen.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarada Al-Shabaab ku  qaadeen saldhigyada AMISOM iyo madaafiicda loogu jawaabay.