Home Warar Ethopia oo Sheegtay in 70-xubnood oo Al-Shabaab ahaa ay Dishay

Ethopia oo Sheegtay in 70-xubnood oo Al-Shabaab ahaa ay Dishay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ethopia ayaa sheegtay in duqeyn ay ka fulisay gudaha Soomaaliya lagu dilay 70-xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab.

Jeneraal Yilma Merdassa oo ka tirsan Ciidamadda Malatariga Ethopia ayaa warbaahinta FANA ee ku hadasha afka Dowladda u  sheegay in weerarkaasi uu dhacay kaddib markii ay ka war heleen in Ciidamada Al-shabaab ay weerar ku yihiin kuwa Itoobiya ee ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Labo gaari oo waday Hub iyo Ciidan la socday ay la beegsadeen duqeynta,islamarkaana qorshihii laga lahaa duqeynta lagu guuleystay.

Marka laga soo tago sheegashada, Dowladda Ethopia ma aysan shaacinin halka iyo waqtiga ay dhacday duqeynta lagu dilay xubnaha ka Tirsanaa Al-shabaab.