Home Warar Ethopia oo Beenisay in Abiy Axmed Hurinayo Colaadda Dalka Soomaaliya

Ethopia oo Beenisay in Abiy Axmed Hurinayo Colaadda Dalka Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Ethopia ayaa si kulul u beenisay wararka ku aadan in raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu wajahayo eedeymo la xiriira inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalalka deriska la ah Itoobiya.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Meles Alem ayaa u sheegay wargeyska Nation in eedeymahaas ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin,islamarkaana Abiy Axmed oo qeyb ka yahay dadka raadinanaya Nabadda Labadda dalka ee Soomaaliya iyo South Sudan.

“Mid ka mid ah tiirarka arrimaha dibedda ee Itoobiya waa in aanan fara-gelin arrimaha gudaha ee dalal kale. Taasina waa diiwaankeena, ka deris wanaag ahaan waxaan ciyaarnay kaalin wax ku ool ah”ayuu yiri Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya.

Qaramada Midoobey ayaa Abiy Axmed ku eedeysay in uu faragelin ku sameeyey heshiiskii nabadeynta ee dalka South Sudan, iyo Arrimo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Xubno kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacbaka, Siyaasiyiin Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xubno kale ayaa dhowr jeer ku eedeeyey Dowladda Itoobiya inay Arrimaha Siyaasada Soomaaliya u adeegsaneyso Ciidamo Itoobiyan ah oo aan kamid aheyn.