Home Warar Eedeysanayaashii Qaraxii Isgoyska Zoobe oo Maxkamadd Lasoo Taagay

Eedeysanayaashii Qaraxii Isgoyska Zoobe oo Maxkamadd Lasoo Taagay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta la horgeeyay rag loo heysto qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay isgoyska Zoobe.

Ragga Maxkamadda la horgeeyay ayaa gaarayay 5 nin, kuwaasi oo lagu soo qabtay howgal ay sameeyeen Ciidamadda Dowladda Soomaliya.

Qorshaha maanta ayaa ahaa in la bilaabo dhageysiga dacwadda.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute waxa uu sheegay in dib loo dhigay dhageysiga dacwada ilaa maalinta khamiista ah.

Qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaliya ka dhaca waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 400, halka ay ku dhaawacmeen 700 oo qof.