Home Warar Duqa Muqdisho oo Gudoomiyayaal u Magacaabay Shangaani Iyo Waabari

Duqa Muqdisho oo Gudoomiyayaal u Magacaabay Shangaani Iyo Waabari

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay gudoomiyaasha Degmooyinka Shangaani iyo Waabari, oo qaraxyo lagu dilay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Shangaani loogu Magacaabey Aweys Camuudi kaas oo lagu bedelay Sahra Markeyzi oo kamid aheyd Guddoomiyeyaashii ku geeriyooday 24-kii Bishii July qarixii ka dhex-dhacay Xarunta Maamulka  Gobolka Banaadir.

Degmada Waaberi waxaa loo magacaabay Cabdicasiis Cismaan Jaamac,wuxuuna badali doonaa Mahad Cilmi oo asna ku geeriyooday qaraxii Xarunta Dowladda Hoose.

Waxaa sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada degmada Wadajir loo magacaabay Axmed Maxamud Diiriye.