Home Warar Dowladdda oo Ka Hadashay Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Dowladdda oo Ka Hadashay Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee barqanimadii maanta lagu qaaday Xarunta Degmadda Holwadaag.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq oo shir jiraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay weerarka.

Wasiir aadan Isaaq ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay Falkii guracanaa ee maleeshiyaadka Al-Shabaab maanta la beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid (Beytka Allaah) iyo Xarunta degmada Howlwadaag oo ah goob Bulshada loogu adeego.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,Dowladda Soomaaliyeed waxay ka tacsiyadeyneysaa Falkii guracanaa ee Ururka argagixisada Al-Shabaab maanta ay ku beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid iyo xarun Bulshada loogu adeego,xaqiiqdii ficilkaasi wuxuu tusaale u yahay siday uga go’aan tahay argagixisada Al-Shabaab dabar goynta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Sidoo kale,Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in laamaha amaanka ay hadda ku howlan yihiin tirakoobka dadkii waxyeelada ka soo gaartay Weerarka Wuxuushnimada ah  ee Al-Shabaab ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka hadda waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ahaa sidii loo heli lahaa dadkii halkaasi ku waxyeeloobay halka ay masiibada ka dhacday waxay ahayd Duqsi Qur’aan dhannoo dumay iyo Masaajid dumay,hadda aan idin la hadlayo laamaha ammaanka iyo Saraakiisha caafimaadka waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ah sidii loo soo saari lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badana waan idinkula soo wadaagi doonaa Hadduu Illaah yiraahdo,”

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta  Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay ka shaqeyneyso sidii cadaada ahayd dhisida Masjidka dumay si loogu tukado salaadda Xigta.

Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa dhimatay, halka 16-kale ay dhaawacmeen ay caruur ku jirto, kadib qarax gaari loo adeegsday oo barqanimadii maanta lagu qaaday Xarunta Degmadda Holwadaag ee Gobolka banaadir.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.