Home Warar Dowladda Uganda oo Ciidamo La Dagaalama Shabaab Usoo Direysa Soomaaliya

Dowladda Uganda oo Ciidamo La Dagaalama Shabaab Usoo Direysa Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in dhawaan ay Soomaaliya usoo direyso Ciidamo cusub kuwaasi oo ka qeyb noqon doona howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,kaasi oo lagutaageerayo Dowlada federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Uganda David Muhoozi, oo hadal dardaaran ah siinayay ciidamadda Cusub ee Soomaaliya loosoo diraya ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab laga adkaan karo waliba si fudud,kuwaasi oo ku sugan meelo badan ooSoomaaliya kamid ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Uganda ee ku biiraya Howlgalka AMISOM ay qaateen tababar lix bilood ah oo ah sida loo dagaallamo, la isu difaaco, loona fuliyohowlgallada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dowladda Uganda ayaa kamid ah dowladaha ciidamadda badan ay ka joogaan Soomaaliya,waxayna Soomaaliya keentay ciidamadii ugu horeeyay  sanadkii2006-dii.