Home Warar Dowladda Sweden oo Ka Hadashay Xil Ka Qaadistii Raisulwasaare Kheyre

Dowladda Sweden oo Ka Hadashay Xil Ka Qaadistii Raisulwasaare Kheyre

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Sweden ayaa walaac ka muujisay xil ka qaadistii Raisulwasaarihii Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo todobaadkaan ay kalsoonida kala laabteen Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Anna Linde ayaa sheegtay in dalkeeda uu walaac xoogan ka qabo isbadaladda ka socda Dalka Somaaliya.

“Sweden  waxay welwelka la wadaageysaa Midowga Yurub, isbeddeladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Soomaaliya. Waxay muhimaddu tahay wadahadal loo dhan yahay in uu sii socdo laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb”, ayay tiri Ann Linde, Wasiirka A. Dibadda Sweden.

Sweden ayaa ah dalka labaad ee Midowga Yurub ee bixiya dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa magaca Soomaaliya waxaana joornaalka SvD qorey in istaraatiijiyadda deeqbixinta Sweeden ee Soomaaliya kor loo qaadey muddo afar sano ahna qorshuhu yahay in lagu bixiyo lacag gaarey 350 milyan oo dollarka Marayaknka ah.