Home Warar Dowladda Soomaliya oo Soo Dhaweysay Go’aanka Maxkamadda ICJ

Dowladda Soomaliya oo Soo Dhaweysay Go’aanka Maxkamadda ICJ

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ), ee ay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee Somaliya iyo Kenya.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi maxamed guuleed khaddar oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka Maxkamadda ICJ oo noqonayo mid kama dambeys ah.

Sidoo kale Raisulwasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horey u diiday in dib loo dhigo kiiska badda, ha yeeshee aanay ka weynayn go’aanka Maxkamadda.

“Dowladda Somaliya horey ayay u diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, balse aanay dowladdu ka weynayn go’aanada Maxkamadda.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya.