Home Warar Dowladda Soomaliya oo Lagu Wareejiyay Gawaari Xabadda Karin+Sawirro

Dowladda Soomaliya oo Lagu Wareejiyay Gawaari Xabadda Karin+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta guddoomay 6 gaari oo  nooca aan Xabadda Karin ah.

Gaadiidkani ayaa Wasaaradda ugu deeqday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga.

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka sida ay u garab taagantahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo dagaal kula jira Maleeshiyaadka Alshabaab.