Home Warar Dowladda Soomaliya oo Ka Hadashay Duqeyn Lagu Dilay Xubno Shabaab ahaa

Dowladda Soomaliya oo Ka Hadashay Duqeyn Lagu Dilay Xubno Shabaab ahaa

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Somaliya ayaa sheegtay duqeyn dhanka cirka ah in lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Shabaab, kadib duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabellaha hoose.

War-Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas qeyb ka ahaa qorshe Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadidda dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

“Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaara dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan, Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay ayaa lagu yiri”Warka kasoo baxay dowladda.