Home Warar Dowladda Soomaliya oo Beenisay In ay Ka Laabatay Mowqifkeeda Badda

Dowladda Soomaliya oo Beenisay In ay Ka Laabatay Mowqifkeeda Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inay ka laabatay mowqifkeeda ku aadan murunka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed, oo qoraal soo saaray ayaa beeniyay wararka ku aadan In Soomaaliya ay ka laabatay mowqifkeeda ku aadan murunka badda

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka DFS ee qaddiyadda kiiska horyaala Maxkamadda ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa baari doona ilaha wararkan been abuurka ah.” Ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxay warbaahinta  baahisay in Dowladda Federaalka Somaliya ay wax ka bedeshay mowqifkeeda ku aadan murunka badda ee kenya kala dhaxeeya.