Home Warar Dowladda Soomaaliya uu Guddi u Magcabaaysa Xiisada Beledweyne

Dowladda Soomaaliya uu Guddi u Magcabaaysa Xiisada Beledweyne

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi baarayaal ah u magacaabaysa dagaalkii shalay ka dhacay Duleedka Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sheegay in guddi loo xilsaarayo Dagaalka Beledweyne.

Waxa uu sheegay in Guddigaan ay soo baari doonaan xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan ee ka dhalatay Eedeyntii Yuusuf Daba-geed uu u jeediyay Madaxweyne Waare iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Dhanka kale wasiir ku-xigeenka ayaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ugu digay in ay ka qeyb qaataan dagaalka beledweyne.

Dagaalka Magaaladda Beledweyne waxaa u dhintay Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan, waxaana ku dhaawacmay Taliye Ku-xigeenkiisa.