Home Warar Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Doorashadda Jubba-land!

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Doorashadda Jubba-land!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa War Saxaafadeed ka soo saartay howlaha doorashooyinka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in shan qodob loo marayo doorashadda maamulka Jubbland.

Qodobadda ay wasaaradda Arrimaha Gudaha soo saartay waxaa kamid ah hab loo marayo xulista Xildhibaanadda Jubba-land, goobta lagu qabanayo doorashada Madaxda cusub ee Maamulka Jubbland.

Lama oga sida Madaxda Jubbland u aqbali doonaan go’anka Dowladda Soomaaliya kasoo baxay ee ku aadan doorashadda jubba-land, xili Madaxweyne Axmed Madoobe uu dhawaan sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ku lug yeelan doonin doorashada Maamulkiisa sida horey u dhacday.