Home Warar Dowladda Soomaaliya oo Shuruud Ku Xirtay Sii Deynta Wasiir Janan

Dowladda Soomaaliya oo Shuruud Ku Xirtay Sii Deynta Wasiir Janan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa la sheegay in ay shuruud ku xirtay in lasii daayo Wasiirkii Amniga Maamulka jubbaland C/rashiid Janan.

Guddi ka socday Maamulka Jubbaland oo dhowaan Magaaladda Muqdisho u yimid wada hadalo ku saabsan xarigga Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegay in shuruud lagu lagu xiray in la sii daayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland, Axmed Maxamuud Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay n laga dalbaday shuruud u muuqatay kuwo siyaasadeed oo la doonayo in la fuliyo, si loo sii daayo C/rashiid Janan,wasiirkii Amniga Jubbaland.

“Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxweynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka Amniga Jubbaland”ayuu yiri Axmed Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Ciidamadda amaanka ayaa Magaalada muqdisho dhawaan ku xiray wasiirkii Amniga Jubbaland Janan,kadib markii lagu eedeeyay in uu galay dambiyo dhanka Biniaadanimadda.