Home Warar Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Dhaawacay Shiikh Cali Dheere

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Dhaawacay Shiikh Cali Dheere

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay dhaawaceen Afhayeeenka maleeshiyaadka Al-shabaab Cali Maxamuud Ragge (Cali Dheere).

Sida ay warbaahinta Dowladda u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda, weerar ka dhacay deegaanka Shaam ayaa lagu dhaawacay Cali Dheere,waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay 10-dagaalyahan oo Shabaab ahaa.

Saraakiiisha waxa ay sheegeen in  Ciidanka Xoogga Dalka oo sahmin ku guda jira in ay wadada kula kulmeen kolonyo galbineysay Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca Cali Dheere la geeyay deegaan hoosyimaado Degmada Kuntuwaareey Ee Gobolka Shabeelaha hoose, Afhayeenka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hogaanka Maleeshiyaadka Shabaab oo loogu hadlaayo dhaawaca la sheegay in uu soo gaaray Cali Dheere.