Home Warar Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay  Kiiska Dacwadda Badda

Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay  Kiiska Dacwadda Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladdda Soomaaliya ayaa sheegtay inuusan jirin wada xaajood ay Kenya kala yeelatay dacwadda Badda ee horay loo geeyey Maxkamadda caalamigaah ee Hegue.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Amb; Cawad ayaa xaqiijiyey inaanu jirin wax wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen in waddo aan Maxkamadda Hegue ahayn lagu xalliyo khilaafka Soohdinta Badda ee Labada Dal ka dhexeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, ingoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Mudane Cawad.

Hadalka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.