Home Warar Dowladda Soomaaliya oo Joojisay Imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare!

Dowladda Soomaaliya oo Joojisay Imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa  kansashay ( Joojisay) gabi-ahaan Imtixaankii Shahaadiga Dugsiga Sare ee Dalka oo 11-kii bishaan bilowday.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax barre oo kasoo muuqday warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in go’aankaas ay wasaaradda gaartay.

Waxa uu sheegay in kormeerayaasha imtixaanka ay ogaadeen in ardeyda intooda badan ay heleen qishkii imtixaanka,islamarkaana seddexdii maalin aynu soo dhaafnay imtixaankii la galay la haystay.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hal meel oo kamid ah meelihii la geeyay su’aalihii maadooyinka laga baxshay, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan waxyaabahaas nacfi laga raadiyo.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in imtixaanka dib loo bilaabi doono 27-ka bishaan May uuna socon doono muddo shan maalin ah,islamarkaana shantaas maalin hawada laga saari doono Social Media-yaha.

Seddexdii maalin aynu soo dhaafnay waxaa baraha bulshada dhex wareegayay su’aalaha maadooyinka la galayay, waxaana ardeyda u harsanaa oo kaliya maalmaha Talaadada iyo Arbacada.