Home Warar DFS oo Dhuusa-mareeb Ka Mamnuucday Shirarka Siyaasadeed

DFS oo Dhuusa-mareeb Ka Mamnuucday Shirarka Siyaasadeed

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Laamaha amniga Dowladda Federalka Soomaaliya ay amaro dul dhigeen Hoteelada Ku yaala Magaaladaas.

Amarka hay’adaha amaanka ayaa la sheegay in uu la xiriiro in Hoteeladda Magaaladda aan lagu qaban Karin shir aysan ogeyn dowladda Federaalka, iyadoo warqado digniin ah loo geeyay Milkiilayaasha Hotelada magaalada Dhuusamareeb.

Laamaha ammaanka ayaa u sheegay Milkiilayaasha Hotelada ciddii Hotelkooda lagu qabto shir aanan lagu soo wargelin laamaha ammaanka in tallaabo laga qaadi doono.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda ayaa xalay joojiyay howlo ka socday Mowlac ay ku sugnaayeen Culumo taageersan Maamulka Ahlusuna Waljameeca oo ku yaala Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan culeys saaraysa Ahlusuna Wal-jameeca oo maalmihii la soo dhaafay shirar siyaasadeed ku lahaa magaaladda Dhuusamareeb,kuwaasi oo loogu soo horjeyday Howlaha Dowladda.