Home Warar Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Geysay Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Geysay Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Gobolka gedo ee Maamulka Jubbaland ee ku waramaya in Garoonka Diyaaradaha Degmaddda Doolow ay gaareen Cutubyo ka Tirsan Ciidamadda Gor-gor ee Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaan aaya la sheegay in ay kusii jeedaan Ceelwaaq, oo ah Xaduudka Soomaaliya iyo kenya halkaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Banaanbaxyo loogu soo horjeeday Ciidamadda kenya oo Duqeymo ku dilay dad shacab ahaa oo ay sheegeen in ay Shabaab ahaayeen.

Garoonka Diyaaradaha Degmadda Doolow waxaa ciidamadaan kusoo dhaweeyay saraakiisha Ciidamada Gorgor Iyo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Degmada Dolow Cabdulaahi Cumar Cilmi,waxaana lagu wadaa in ay gaareen Degmadda Ceel-waaq.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya In qorshaha ciidamadaan uu yahay sidii gacanta ugu dhigi lahaayeen amaanka Degmadda, oo Shacabka Magaaladda ay ku dhigayeen Banaanbaxyo loogu soo horjeeday ciidamadda kenya ee qeybta ka ah  howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Goobaha ciidamadda Soomaaliya la geeyay waxaa horey ugu sugnaa Ciidamadda kenya ee qeybta ka howlhalka AMISOM ee Soomaaliya.

Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland. Dhawaanahan waxaa soo noqnoqonayay cabasho ku aaddan dad rayid ah oo waxyeello kala kulmay ciidamada qeybta ka ah Amisom ee ku sugan aagaggaas – gaar ahaan kuwa Kenya – inkastoo ay socdeen baaritaanno ay sameynayeen mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaaliya oo loogu hadlaayo ciidamadda la geeyay Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.