Home Warar Dowladda Soomaaliya oo Bilowday Qorshe Halis Ku Ah Mucaaradka!

Dowladda Soomaaliya oo Bilowday Qorshe Halis Ku Ah Mucaaradka!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonan karo Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa Ururka Midowga Yurub u gudbisay Liiska Xubno Somali ah oo ku nool Qaarada Yurub kuwaas oo qayb weyn ka qaata Xasilooni darada ka jirta Wadanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in shaqsiyaadkaas Mustaqbalka dhow ay qatar ku noqon karaan wadamadda ay ku nool yihiin ee qaaradda yurub.

Sidoo kale Dowladda ayaa ka codsatay Ururka Midowga Yurub in laga qaado ama lagala noqdo sharciyada ay ku leeyihiin wadamada Midowga Yurub islamarkana dib logu soo celiyo wadanka Soomaliya, si loola xisaabtamo.

Qorshaha cusub ee Dowlada ay kula dagaalamayso dadka ay ku tilmaamtay qaran dumiska oo u muuqda Kuwa qurbaha ka soo mucaarada ee ku nool Qaaradda Yurub ayaa waxa uu sameyn doonaa dalalka Holland ,Beljamka,Norway Sweadan,Denmark,UK, Finland,Germalka, Italiya, France, iyo wado kale oo badan.

Lama oga Midowga Yurub sidey arintaan oga falcelin doonto, balse Dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya ayaa Mucaarada adag ka wajahayay dhanka Dibadda gaar ahaan qaaradda Yurub.