Home Warar Dowladda Soomaaliya oo Bankiga Aduunka Ka Helaysa Lacag Dhan 55-Million

Dowladda Soomaaliya oo Bankiga Aduunka Ka Helaysa Lacag Dhan 55-Million

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka heleysa Baanka Adduunka lacag lagu kabayo Misaabiyadda 2020 oo gaareysa $55 Milyan keddib markii ay saameyn taban ku yeesheen kobaca dhaqaaalaha iyo dakhli uruurinta dalka fatahaadihii ka dhashay roobabka, ayixii ku habsaday qaar ka mid ah gobollada dalka iyo cudurka safmarka ah ee COVID19 oo hoos u dhigay dakhliga la filayay 29%.

Taageeradan dhaqaale ayaa ka dhalatay dadaalladii wanaagsanaa ee ay la timid Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Bayle ee ku qotomay dib u habeynta iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadda dalka iyo la dagaallanka musuqa kuwaasoo ay ku ammaaneen dhammaan Hay’adaha Maaliyadda Adduunka ee IMF, AfDB iyo WB.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag. Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay” ayaa yiri wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beyle.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Beyle in laga fakiro sidii loo kordhin lahaa dakhliga gudaha, iyadoo la kaashanayo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

“Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiir Beyle.