Home Warar Dowladda oo Sheegtay in La Dilay Ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Dowladda oo Sheegtay in La Dilay Ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay Duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan isku shuban maamulka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Dowladda oo lagu baahiyay warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqobeed,iyo qof la socday.

“Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamadda Qaranka iyo saaxiibadooda maraykanka ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Daacish,howlgalkaan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan isku shuban,howlgalka oo dhacay 14-kii April ayaa ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda Shabaab iyo Daacish laguna badbaadinayo Shacabka.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibadooda Caalamiga ah waxeey u taaganyihiin in aanay ka helin Soomaaliya gabbaad ay ku nastaan Cadawgu.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe dar-dargalisay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish oo ku sugan meelo badan oo kamid ah Goboladda Soomaaliya.