Home Warar Dowladda oo Xayiraad Saartay Diyaaradaha Dhanka Kenya Ka Yimaada

Dowladda oo Xayiraad Saartay Diyaaradaha Dhanka Kenya Ka Yimaada

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda Shirkadaha Duulimaayadda ku taga magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, war ay soo saareen ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Magaaladda Kismaayo.

Sidoo kale maamulka ayaa sheegay in diyaarad kasta oo tagaysa Magaaladda Kismaayo in ay soo mari doonto magaaladda mudisho,halkaasna lagu hubin doono.

Ilo lagu kalsoonan karo, ayaa sheegaya in qorshaha dowladda uu yahay sidii loo hakin lahaa wafdi ka socda Dowladda Kenya oo uu hogaaminaayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale,kaasi oo la filayo in uu ka qeyb galo Caleema-saarka Axmed Madoobe.