Home Warar Dowladda oo u Hanjabtay Qaar Kamid ah Shirkadaha Duulimaadyada

Dowladda oo u Hanjabtay Qaar Kamid ah Shirkadaha Duulimaadyada

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar kamid ah shirkadihii daabulay Xujeyda Soomaalida inay si qaldan u maamuleen adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa Xujeyda.

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan shirkaddo si qaldan u maamulay adeegyadii Xujeyda Soomaalida.

Waxa uu sheegay in wasaaradda ay magacowday Guddi islamarkaana ay soo arkeyn ilaa afar shirkadood oo sameeyay dayac weyn.

“Waa nasiib darro in shirkadaha qaarkood inay sameeyaan wax dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.