Home Warar Dowladda oo Loogu Baaqay in Wada-hadal La Gasho Al-shabaab!

Dowladda oo Loogu Baaqay in Wada-hadal La Gasho Al-shabaab!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay wada-hadal la galaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in madaxda Dowladda Soomaaliya loogu baahan yahay marka hore in ay awood u adeegsadaan Maleeshiyadka Shabaab,taasi hadii la waayo wada-hadal lala galo ururka Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay In Shabaab ay yihiin kooxo awood badan,islamarkaana ka taliya magaalooyin badan oo koonfurta Soomaaliya ku yaala.

“Wada-hadal toos ah in Al Shabaab lala galo ayaan anigu qabaa, runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed oo la kari  waayay, waxaana fiican in laga guuleysto, nabad wadahadal ku timaado lafteeda lama dhayalsan karo, in wadahadal lagu dayana waxaana qabaa in xalalka caadiga ah ka mid tahay,” ayuu yiri Ra’isul Wasaare hore Saacid.