Home Warar Dowladda oo Ka Hadashay Cabasho Laga Soo Gudbiyay Ethiopian Airlines!

Dowladda oo Ka Hadashay Cabasho Laga Soo Gudbiyay Ethiopian Airlines!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay cabasho kasoo yeertay Guddiga Ganacsatada diyaaradaha Soomaaliya.

Ganacsatadda ayaa sheegay in shirkadda Itoobiya Airlines ay safaro ku tagto qaar kamid ah Goboladda dalka Soomaaliya, taasina ay bahdilaad ku tahay howlahooda shaqo.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu jiro heshiis u dhaxeeya Somaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan dhanka duulimaadyada ah, kaasi oo horay loo kala saxiiday 1988-dii, balse aysan jirin duulimaad Shirkadda Itoobiya Airline ay ka dhex sameyso Magaalooyin ka mid ah Somaliya.

Shirkadda Itoobiya Airlines ayaa duulimaad uga dagata Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, iyadoo sanadkaan qaaday qaar ka mid ah xujeyda Somaliyed, taasi oo Shirkadaha cabashada ugu wayn ay ka keeneen.