Home Warar Dowladda oo Dalab u Gudbisay Hay’adaha Deggan Xarunta Xalane!

Dowladda oo Dalab u Gudbisay Hay’adaha Deggan Xarunta Xalane!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha , shirkadaha duullimaadka iyo dhamaan hay’adaha kale ee shisheeye ee deggan Magaalada Muqdisho.

Warqadda ayaa kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.

Warqadaan waxaa ku qoran in magaca Garoonka Adan Cadde uusan ahayn Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho balse uu yahay Garoonka Aada Cadde ee Caalamiga ah.

Dhinacyadda warqadaan ay ku socoto ayaa lagu wargaliyay in ay u adeegsadaan magaca Garoonka Aadan Cadde ee Caalamiga ah.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u beddelaan magaca Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo wali ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro.