Home Warar Dowladda oo Dacwad Ka Dhan ah Kenya u Gudbisay Qaramadda Midoobay

Dowladda oo Dacwad Ka Dhan ah Kenya u Gudbisay Qaramadda Midoobay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda kadib markii diyaarad ka soo duushay Magaaladda Nairobi ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ayaa qoraal u dirtay Hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee Qaramadda Midoobay ee ICAO,kaasi oo loogu dacwoonayay Talaabadda Kenya ay qaaday.

Diyaaradii shalay ka degtay magaalada Kismaayo oo nooceedu ahaa F/50 ayaa la sheegay in shatiga ay isticmaashay laheyd shirkadda Jubba Airweys iyadoo uu lahaa diyaaradan ganacsade Soomaaliyeed.

Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Diyaaradaan ay sidoo kale wafuud kasoo qaadi doonto Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, si ay kaga qeyb galaan Calee-saarka Axmed Madoobe.