Home Warar Dowladda Kenya oo Xirtay Qaar Kamid ah Xawaaladaha Soomaalida!

Dowladda Kenya oo Xirtay Qaar Kamid ah Xawaaladaha Soomaalida!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamadda Booliska Kenya ayaa maanta xiray qaar kamid ah Xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyihiin dalkaasi.

Qaar kamid ah Shaqaalaha Xawaaladda Soomaalida ayaa sheegay in saakay Ciidamadda Kenya irdaha isugu dhufteen xawaaladaha kala ah Taaj iyo Amal iyo kuwa kale oo ku yaala halkaas.

Dhanka kale qof adeeg xawaaladeed u doontay mid kamid ah Xawaaladaha Xaafadda Islii ayaa sheegay in lagu wargaliyay in aysan maanta shaqeynin Xawaaladaha.

“Walaalow Xawaalada Taaj ayaan rabay in aan lacag ku soo diro balse waxaa la dhahay waa la xiray oo Booliska Kenya ayaa xiray, wali ma ogi sababta, balse illaa Shan xawaaladooda ayaa la xiray.” ayuu yiri qof doonaayay in Xawaalada Taaj shaqo u qabato.

Ilaa haatan lama oga sababta ka dambeysa in Kenya ay xirto qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyihiin dalkaasi.

Dhanka kale wasiirka Arimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa xalay ku amray agaasimaha waaxda Socdaalka Gordon in uu dib u eegis ku sameeyo dadka ajnabiga ee kenya ku jooga arimo ganacsi,balse uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay in ay sii joogaan Kenya

Dr Matiang’i ayaa sheegay in Kenya laga saari doono shirkadaha Ganacsi ee qamaarka ee diiwaanka ku jira ee sida sharci darada ahna ku jooga Kenya.

Xiriirka Soomaali iyo Kenya u dhaxeeyay ayaa u muuqda haatan mid sii xumaanaya mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya.