Home Warar Dowladda Kenya oo War Rasmi ah kasoo Saartay Go’aanka DFS

Dowladda Kenya oo War Rasmi ah kasoo Saartay Go’aanka DFS

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah kasoo saartay go’aanka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inuusan jirin xiriir rasmi ah oo dowladda Soomaaliya kala soo sameysay in safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo wada-tashi loogu diray dalkiisa, ayna bayaanka dowlada Somalia ka maqleen oo kaliya Warbaahinta.

“Kenya waxay ka xun tahay ficillada nasiib-darrada u muuqda ee ay qaadday dowladda Soomaaliya, kaasoo ay uga codsatay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo inuu dalka ka tago,” ayaa lagu yiri qoraalka.