Home Warar Dowladda Kenya oo Sheegtay in ay Difaacyso MW Axmed Madoobe!

Dowladda Kenya oo Sheegtay in ay Difaacyso MW Axmed Madoobe!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay difaacayso Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo loolan dhanka siyaasadda ah kala kulmaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wargeyska Hivisasa ayaa qoray war laga soo xigtay Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna oo sheegaya in Ciidamadda Kenya aysan ka bixi doonin Magaaladda Kismaayo ama meel ka mid ah Jubaland,sababo la xiriira xulafaysiga Madaxweyne Axmed Madoobe.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu yahay siyaasiga runta ah ee xulufada la ah Dowladda Kenya.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna ayaa beeniyay wararka ku aadan in Ciidamadda Kenya ay ka baxayaan magaalada Kismaayo islamarkaana magaaladda la wareegayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM.