Home Warar Dowladda Kenya oo Ku Dhawaaqday Qorshe Kale oo Kiiska Badda ah

Dowladda Kenya oo Ku Dhawaaqday Qorshe Kale oo Kiiska Badda ah

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Kenya ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay ku doonayso inay ku xaliso kiiska muranka ee u dhaxeeya Somaliya & Kenya kaasi oo ku saabsan badda Kenya muranka ay galisay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma oo la hadashay Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay inay rajo ka qabaan meel aan aheyn maxkamadda ICJ in lagu dhameeyo muranka badda ee labada dal.

Kenya ayaan rabin in maxkamadd ay u fariisato kiiska badda labadda dal, xilli dhawaan codsi ka yimid Kenya muddo laba bilood ah maxkamadda dib ay u dhigtay dhageysiga kiiska Badda.