Home Warar Dowladda Kenya oo Doonaysa in ay Isaga Baxdo Dacwadda Kiiska Badda

Dowladda Kenya oo Doonaysa in ay Isaga Baxdo Dacwadda Kiiska Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa in aysan maalinta bari aysan ka qeyb gali kiiska Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Warbaahinada kasoo baxa gudaha dalka kenya ayaa waxa ay qorayaan in dowladda kenya aysan qabeyb gali doonin dacwada bada ,waxaana ay sheegeen in ay u baahanyihiin in dib loo dhigo dacwada bada

sababta ay kenya u dalbaneyso in dib loo dhigo dacwada ay wararku waxa ay tilmaamayaan in kenya ay ogaatay in dacwada looga guuleeysanayo ay u badantahay islamarkaasna aysan rabin in ay ka qeyb gasho dacwadaasi.

Warar hoose  ayaa waxa ay sheegayaan in kenya damacsantahay in dacwada bada dib loo dhigo tan iyo inta marxalada dalka ay dhan u dhaceyso islamarkaasna laga dooranayo madaxweyne cusub iyadoo ku raja weyn in madaxweyne cusub oo mushaxiinta ah in uu kusoo boxo

sidookale waxa la sheegay in kenya ay ka walaacsantahay qarar ay horay u diideen xildhibaanadii kumeel gaar ka ahaa ee dowladda soomaaliya oo ay rabtay in dacwada ay la timaado balse laga diiday.

Wafdi dowladda soomaaliya ku matalaya dacwada ayaa iyagu goor horeyba siitagay halka ay dacwadu bari ka furmeyso ee magaalada hague ,waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in dacwada la dhageysto islamarkaasna aysan aqbali doonin in dib loo dhigo dacwada.