Home Warar Dowladda Kenya oo Dhul Balaarsi Kawada Gobolka Gedo

Dowladda Kenya oo Dhul Balaarsi Kawada Gobolka Gedo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inay halkaas ka dhaceen banaanbaxyo ay dhigeen dadka degmada Beled-xaawo oo kasoo horjeeda in Ciidamada Kenya ay dib u calaamadeeyaan xuduudka labada dal.

Maalintii labaad ayaa la sheegay inay Banaanbaxyo ka dhaceen Beled-xaawo, kuwaasoo looga soo horjeedo Ciidamada Kenya oo Degmada Baled-xaawo ka bilaabay inay Calaamadeeyaan dhul ka tirsan degmada oo ay doonayaan inay ka dhisaan darbi kala qeybiya labada dal.

Ciidamada Kenya ayaa shalay iyo maanta waxay Beledxaawo ka sameeyeen Calaamadeyn iyo xadgudub ay dhulka magaalada qeyb ka mida ku soo galeen.

Shacabka Beled-xaawo ayaa dhagxaan ku tuuray ciidamada, kana hortagay, iyadoo aanay jirin ciidamo halkaasi wax tallaabo ah ka qaaday.