Home Warar Dowladda Kenya oo Badashay Qareenadii u Matalayay Dacwada badda

Dowladda Kenya oo Badashay Qareenadii u Matalayay Dacwada badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa badashay dhamaan qareenadii u doodayay dacwada badda ee kala dhexeysa Soomaaliya,waxayna magacowday kuwa kale.

Dowlada Kenya ayaa badashay qareenada kala ah Karim Khan, Payam Akhavan (American), Makena Muchiri (Kenya), Vaughan Lowe QC (British), Alan Boyle (British), Mathias Forteau (French) iyo Amy Sanders (British).

Qareenadda la magacabay oo gaaraya 8-xubnood ayaa ah kuwa ajaanib,marka laga reebo haweeney u dhalatay dalka Kenya,sida qoraalka lagu sheegay.

Qareenadda cusub waxaa hogaaminaya Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law.

Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii 2014, dacwad ka gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Waxayna Maxkamada caalamiga ah dhowaan diiday codsi uga yimid dowlada Kenya oo ah in dib loo dhigo dacwada,madaama dunidda uu saameeyay Carona-virus.