Home Warar Dowladda Federaalka Soomaliya oo Dalbatay Lacago Gaaraya 80-Mallion!

Dowladda Federaalka Soomaliya oo Dalbatay Lacago Gaaraya 80-Mallion!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay ayaa si deg deg  ah waxa ay u dalbadeen lacago gaaraya 80-Million oo wax loogu qabanaayo Fatahaadaha ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulan shalay ka dhacay Magaaladda muqdisho oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda iyo Qaramadda Midoobay  ayaa lagu codsaday Lacagtaan.

Hay’adda isku xirka gargaarka ee Qaramadda Midoobay ee OCHA ayaa sheegtay in roobabka da’ay in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

OCHA ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in dad gaaraya 750,000 ay ku waxyeeloobeen Roobabka iyo fatahaadda, halka ay ku bara kaceen ilaa 229,000 oo qof.