Home Warar Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Xiriirkii U Jartay dowladda Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Xiriirkii U Jartay dowladda Kenya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  ku dhawaaqday in ay xiriirkii diblumaasiyadeed  u jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeesay in faragalin qaawam ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Soomaaliya xiriirka u jartay dowlada Kenya , waxa uuna sheegay Wasiirka in Kenya faragalin ku heyso arimaha Soomaaliya kuna xadgudbeyso madax banaanideeda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe in shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan Kenya ay la baxeyso.

Arintaan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya uu xarunta Madaxtooyada Kenya ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.