Home Warar Dowladda Burundi oo Bilowday in Ciidamadeeda Kala Baxdo Soomaaliya

Dowladda Burundi oo Bilowday in Ciidamadeeda Kala Baxdo Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Burunid oo qayb ka ah hawlgalka Amisom ee Somaliya ayaa bilowday in Ciidamadeeda ay kala baxdo Somaliya.

Warkaan waxaa xaqiijiyay Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Burundi oo diiday magaciisa in loo adeegsado Warbaahinta, maadaama uu sheegay in aan la ogolayn la hadalka Saxaafadda.

Sarkaalkaan ayaa wuxuu la hadlay Wargeyska Stockdailydish.com waxaana uu sheegay inay bilaabatay bixitaanka kun Askari oo ka tirsan Ciidamada Burundi.

200 oo Askari ayuu sheegay shalay inay ka ambabaxeen Muqdisho, kuwaasi oo diyaarada ay ka dajisay Caasimadda dalka Burundi.

Maalmaha soo socda ayaa wuxuu sheegay inay jiri doonaan Ciidan kale oo ka ambabaxaya Muqdisho, kuwaasi oo dib ugu laaban doono dalkooda.

Dowladda Burundi ayaa muddo ka caga jiideysay in ciidankeeda ay kala baxdo Somaliya, maadaama sida ay sheegtay Ciidamada kale ee dalalka hawlgalka Amisom ka socda wali aysan Somaliya ka bixin.

Amisom ayaa dejisay istiraatiijiyad ay kaga baxeyso Soomaaliya waxaana qorshaheeda ku xusan in 31da December 2021ka ay Ciidamada Amisom ka bixi doonaan Soomaaliya iyada oo inta ka horreysa ammaanka dalka lagu wareejinayo Ciidamada dowladda Soomaaliya.