Home Warar Dowlada Somaliya oo Dacwad ka Gudbinaysa Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Dowlada Somaliya oo Dacwad ka Gudbinaysa Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda federaalka Somalia ayaa sheegtay in lagaaray waqtigii dib u eegis lagu sameeyn lahaa howlaha xafiiska taageerada qaramada midoobay ee Somalia ee magacooda loo soo gaabiyo (UNSOM) kaasi  oo dowladda Somalia ay sheegtay in ay yartahay dadaallada ay kubixiyaan taageerada dhinacyada siyaasadda iyo sidoo kale taageerada farsamo ee xafiiska qaramada midoobay uu siiyo Somalia.

Dowladda federaalka Somalia ayaa qoraal udirtay hogaanka golaha amaanka ee qaramada midoobay kaasi oo ay kusheegtay in xafiiska taageerada eeqaramada midoobay ee Somalia UNSOM uusan xaqiiqda kasheegin waxqabadka iyo guulaha laga gaaray dowladnimada Somalia taas badalkeedana uu sameeyo falcelin aan habooneeyn sida uu sheegay danjiraha Somalia ufadhiya qaramada midoobay Abukar Osman Baalle.

Danjiraha Somalia ufadhiya qaramada midoobay Abukar Osman baalle ayaa xusay in ay muhiimtahay in daneeyayaasha caalamka ee Somalia in ay taageeraan hishisyada ay gaaraan saamileeyda siyaasadda Somalia si loo gaaro himilooyinka dhismaha dowladnimada Somalia ee sanadka 2021.