Home Warar Dowlada Somalia oo Ka Laabatay Qoraal ay Kasoo Saartay Dagaalka Itoobiya

Dowlada Somalia oo Ka Laabatay Qoraal ay Kasoo Saartay Dagaalka Itoobiya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay soo saartay War saxaafadeed ay walaac uga muujisay dagaalka ka socda dalka Itoobiya.

Qoraalkan kasoo baxay Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa lasoo dhigay barta Wasaarada ku leedahay Twitterka, hasa ahaatee wasaarada arimaha dibadda ayaa durba qoraalkaasi ka saartay baraheeda ay horey usoo dhigtay.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku shaaciyay in qoraalka la shaaciyay uusan ka turjumeyn aragtida dowlada, waxa uuna beeniyay Cawad in warqadaasi aheyd mid sax ah oo kasoo baxday dowlada.