Home Warar Diyaaradaha Mareykanka oo Xalay Duqeeyay Gobolka Shabeelaha Hoose

Diyaaradaha Mareykanka oo Xalay Duqeeyay Gobolka Shabeelaha Hoose

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Diyaaradaha Mareykanka ayaa xalay duqeyn ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntaan oo dhacday xalay saqdii dhexe ayaa lala beegsaday Kuunya Barow, Awdheegle, deegaanka Dacaaraha oo ku dhaw Degmooyinka Qoryooley iyo Janaale oo Al-shabaab ay ku sugan yihiin.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Ilaa dhowr gantaal ayay diyaaradha Mareykanka ku garaaceen deegaanadda kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale masuuliyiinta Maamulka G/shabeelaha hoose ayaa sheegay in duqeymahaasi lala beegsaday goobahaasi Shabaabka ay ku sugan yihiin, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray xubnaha Shabaabka ee la duqeeyay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka oo loogu hadlaayo duqeynta xalay ka dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose.