Home Warar Faah-faahin:-Dil Ka Dhacay Degmada Afgooye

Faah-faahin:-Dil Ka Dhacay Degmada Afgooye

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo dil ka geystay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxdaan ayaa goob Ganacsi uu ku sugnaa ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Abuukar Qaasim Tushiba kaas oo la sheegay in uu ka mid ahaa Macalimiinta Iskuul ku yaala degmada Afgooye.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxana markii dambe tegay Ciidamada Booliiska Afgooye kuwaas oo sameeyay Baaritaano kooban.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyda dilkaas,iyaga oo sheegay in ay dileen mid ka mid ahaa Askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka.