Home Warar Dib u Dhac Ku Yimid Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe

Dib u Dhac Ku Yimid Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan ayaa sheegay in markii labaad dib loo dhigay xafladda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in Xafladda Caleema-saarka ay dhici doonto markii Magaaladda Kismaayo soo wada gaaraan dhaaman wafuuda ka qeyb galaysa Xafladda.

Dhanka kale madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in cadaadiska fara badan oo Dowladda Soomaaliya ay ku heyso Maamulka Jubbaland ay ka dhalan karto kacdoon Bulsho.

Waxaa uu sheegay in cid alaala cidii wax ka tabaneysa madaxda Jubbaland ay ka dacwoodaan hay’adaha garsoorka Jubbaland, isla markaana Madaxda Dowladda looga baahan yahay inay xuriyadiisa siiyaan Wasiirka inta aysan cawaaqib-xumo ka dhalan.