Home Warar Dhoobo:-“MW Deni Amarkiisa ayaa Lagu Weeraray Xarunta Baarlamaanka”,

Dhoobo:-“MW Deni Amarkiisa ayaa Lagu Weeraray Xarunta Baarlamaanka”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin (Dhoobo Daareed) ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ku eedeeyay weerarkii xalay lagu qaaday Xarunta baarlamaanka Maamulka Puntland ee Magaaladda.

Waxa uu sheegay in  Madaxweynaha uu amar soo siiyay Taliyaha Booliska Puntland Generaal Muxidiin Gacamey,kaasi oo markii dambe weerar kusoo qaaday Xarunta oo ay joogeen ciidamo la isla ogyahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland  in khasaaraha ka dhashay weerarka ay qaadayso Madaxtooyada Maamulka Puntland.

“Waxa weerartay waa Xukuumadda, waxayna ahaayeen ciidankii dowladda, waxaa hoggaaminayay Muxiyadiin Gacameyn, cida amarka bixisay waa Madaxweynaha, oo ah Taliyaha Ciidanka guud, ma jirto wax aan Madaxweynaha ogeyn oo la fulin karo, falkaas ciidanka fuliyay xoog bey damceen inay xarunta kula wareegaan, ilaaladana waa iska caabiyeen”ayuu yiri Guddoomiye Dhoobo Daareed.

Dagaalkii xalay ka dhacay Magaaladda Garoowe waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.