Home Warar DFS oo Sawirro Ay Soo Xaday u Adeegsatay Howlgal Ka Dhacay Sh....

DFS oo Sawirro Ay Soo Xaday u Adeegsatay Howlgal Ka Dhacay Sh. Hoose+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa Wasaaradda Gaashandhigga dowladda Federaalka waxa ay ku eedeysay in ay adeegsatay Sawirro been abuur oo lagu sheegay  in ay yihiin Natiijaddda weerar ka dhacay  deegaanka Leego ee Shabeelaha Hoose.

War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka ayay ku sheegtay in ciidamada Kummaandooska ee loo yaqaan Danab ay Burburiyeen saldhig melleteri oo Al-shabaab ay ku laheyd deegaanka Leego ee Shabeelaah hoose.

Sawirrada ay faafiyeen warbaahinada maxaliga iyo kuwa warbaahinta Dowladda Soomaliya ayaa ah Sawiro ay faafisay Al-Shabaab 7dii August,2017 kuwaas o dhamaantood laga heli karo warbaahinada Al-shaabab.

Sawiradaan Hoose waxaa bishii August laga soo qaaday degmada Leego saacado un ka dib markii ay ka baxeen ciidamada Midowga Afrika AMISOM, lana wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sawirrada Horey loo baahiyay