Home Warar DFS oo Ka Hadashay Qorshaha Kenya ee Kiiska Dacwadda Badda

DFS oo Ka Hadashay Qorshaha Kenya ee Kiiska Dacwadda Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid qorshihii ay dowladda Kenya ku doonaysey in la hakiyo dhegaysiga kiiska dacwadda ee badda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda ayna rajo ka qabaan in go’aan ka gaarto maxkamada.

Waxa uu tilmaamay in aysan wanaag u arkin in xilligaan golaha la horkeeno kiiska dacwada iyo muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna sheegay in talaabadan u muuqato mid  lagu mushquulinaayo doodda maxkamada

Wasiir Kheyr ayaa sheegay in sababta dacwada loo geeyay Maxkamada ICJ ay tahay in si nabad ah arintan lagu xaliyo, waxa uuna tilmaamay in rajo weyn ka qabaan in guddiga amniga iyo Nabada Afrika soo saaraan go’aan lagu taageerayo qadiyada Soomaaliya .

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyr oo ka hadlayay Kulanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay inaysan aqbali karin codsiga Kenya maadaama dacwaddu ay muddo 5 sano ah hortaal maxkamadda ICJ.

Soomaaliya ayaa sheegay inay ku kalsoon tahay qaadista dacwada Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayna rajaynayaan inay guul ka soo hoyiyaan dacwaddaan oo muddo soo jiitamaysey.

Muran badeedkaan oo dacwaddiisu jiitamaysay muddo 10 sano ah ayaa dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay July 2016 geysey maxkamadda ICJ kiis ka dhan ah Kenya.