Home Warar DFS oo Go’aano Ka Dhan Ah SL Hordhigtay Safiiradda Dalalka Caalamka

DFS oo Go’aano Ka Dhan Ah SL Hordhigtay Safiiradda Dalalka Caalamka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan albabada u xiranaayeen waxa uu xerada Xalane kula leeyahay Safiiradda dalalka Caalamka u fadhiya magaalada Muqdisho, isagoo kala hadlay xaaladaha soo kordhay.

Kulankaan ayaa loogu hadlay go’aanka Dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Dowlada Jamhuuriyadda Guinea ee dhacda Galbeedka qaarada Afrika, arinta Somaliland, iyo xaaladda ka taagan Suudaan.

Shir jaraa’id oo uu wariyeyaasha u qabtay markii uu kulanka soo dhamaaday ayuu sheegay in safiirada uu la kulmay uu la wadaagay in Guinea ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya, islamarkaana ay caqabad ku tahay wada hadalada  Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa uu sheegay iney jiraan dalal dhowr ah oo maleegayo tallaabooyin ka dhan ah Madax banaanida Soomaaliya, balse ay digniino dhowr ah u direen, wixii haatan ka dambeeyana aan wax dulqaad ah loo yeelan doonin.

Axmed Ciise Cawad wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa xusay in madaxda Somaliland ay horay u tageen dalal kale islamarkaana dalalkaas ay raalli gelin ka bixiyeen khaladka ka dhacay,sida Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu Caalamka ugu baaqay wasiirka in cidkasta oo la xiriireysa Somaliland ay muhiim tahay in ay soo marto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loo ilaaliyo madaxbanaanida Soomaaliya.